Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Gaaray Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Abuukaato Xasan Xuseen Xaaji ayaa wafdi uu hogaaminayey waxay gaareen Magaalada Doxa Ee Dalka Qatar.

Safiirka Soomaaliya ufadhiya Waddankaasi iyo Saraakiil katirsan Dawlada Qatar ayaa wafdigaan kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha.

Inta ay joogaan Wasiirka Difaaca Soomaaliya Dalka Qatar ayey kulamo la qaadan doonaan Mas’uuliyiin Waddankaasi oo ay kala hadli doonaan hormarinta ciidanka Soomaaliyeed.

You might also like More from author