Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay Qarax lala eegtay gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa canbaareeyay Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxo oo gaari u watey Afhayeene Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucallimuu oo marayay Agagaarka Isgoyska Dabka qarax kula eegtay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan Camabaareynayaa falka waxashnimada ah ee qaraxa lagula beegsadey afhayeenka xukuumadda walaalkeen Maxamed Ibraahim Macalimu, ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Allah uga baryay in uu siiyo Cafimaad deg,deg ah Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

“Waxaan Ilaahey uga barinaayaa caafimaad deg deg ah,, ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya abdulqaadir Maxamed Nuur.

You might also like More from author