Wasiirka Gaashaandhiga Oo ka Hadlay Guulaha Xoogga Dalka soo hooyeen

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa  boogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka gaareen howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Galmudug

“Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qarankeenn  waxay saaka la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud , Maamulka  , shacabka iyo masuuliyiintii gacanta ka geestay xoreynta goobahaas waa ku mahadsanyihiin , Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in CXDS ay ku garab istaagaan ciribtirka argagixisadda “ ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo la hadlay idaacadda Ciidamada qalabka Sida

Ciidanka Xoogga ayaa saaka barqadii la Wareegay Deegaanada Labi-dulle iyo Dhabana –dhulkuheys  oo hore  ay argagixisadda ay ku gumaadi jireen shacabka  .

Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Taliska Xoogga oo iskaashanaya ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu ciribtiraayo argagixisadda.

You might also like More from author