Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo la Kulamy Ra’iisal Wasaaraha Dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qatar Shiikh Khaalid bin Khaliifa bin C/Caziiz Al Thaani ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay Wasiirka Amniga Soomaaliya, waxa ayna ka wada hadlen kaashiga amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa waxa uu ka mahad celiyey doorka Dawlada Qatar ay Ka taageerto Soomaaliya.

Wasiir Xundubeey iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo kusugan Magaalada Doha ayaa waxa ay sidoo kale la kulmeen Mas’uuliyiin kale oo Katirsan Dawladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qatar Al Thaani ayaa ballan qaaday inay sii kordhin doonaan taageerada iyo Caawimaada ay la garab joogaan Shacabka Dawlada Soomaaliya.

Qatar ayaa dhiseysa wadada udhaxeysa Afgooye ilaa Magaalada Caasimada Xamar,iyadoo la filayo in dhawaan uu bilowdo Mashruuca lagu dhisayo Jidka Isku Xira Muqdisho ilaa Jowhar.

You might also like More from author