Wasiir Xoosh oo cadeeyay in Afar arin aysan awood u laheyn M/Goboleedyada dalka

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay maamulada dalka ka jira in aysan shaqo ku laheyn in ay fara gashadaan siyaasadda arrimaha Dibadda, Maaliyadda Gaashaandhigga, Socdaalka iyo kuwa kale.

C/raxmaan Xoosh Jabriil  ayaa arrimahan oo dhan wuxuu sheegay in ay hoos imaanayaan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya xaqna ay u leedahay in ay maamusho.

Wasiirka Datuurka ayaa sheegay hadii la dhameystiro qodobada Dastuurka ee hada qabyada ah qin la isku fahmi doono qodobada qaar, wuxuuna qeexayaa awooda Dowladda dhexe iyo mida maamul goboleedyada.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu taageersan yahay dowladda Sacuudiga, wuxuuna ka soo horjeestay mowqifka Dowladda ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka oo ay ka qaadatay go’aan dhex dhexaad ah.

You might also like More from author