Wasiir sheegay in dhagxaanta lagu xiray wadooyinka ay sugayaan amniga

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in loo baahan yahay in Magaalada Muqdisho la dhigo dhagaxaan hor leh si loo xaqiijiyo Ammaanka Caasimadda.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka Shacabka looga baahan yahay in ay dhagaxaan sii dhiggaan meelaha hadda aysan oolin.

Dhagaxaanta waa weyn ayuu sheegay in ay sugayaan Ammaanka Caasimadda,iyadoo ay xusid mudan tahay in Magaalada ay ku sugan yihiin boqolaal Askari.

Ardayda Soomaaliyeed ee uu matalo Wasiir Goodax ayaa dhibaatadda ugu badan la kulmaya, waxaana laga sugaayay in uu ku baaqo in la furo Wadooyinka, maadaama dhibaato lagu qabo aadida goobaha waxbarashadda.

You might also like More from author