Wasiir Oomaar oo iska diiday Xilka Wasaarada Shaqada Xukuumada

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in Axadii oo taariikhdu  ahayd April 11 2021 la Ii magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada.  Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda Wasaaradda.

Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.

Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed.

You might also like More from author