Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo Maanta Hortgaya Xildhibaanada Golaha Aqalka sare

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu hortago Baarlamaanka Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka ayaa ah in Wasiirka uu Golaha ka hor jeediyo Hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa oo horay ay u ansixiyeen Baarlamaanka Golaha Shacabka 13-kii Novembar 2017-kii.

Sidoo kale waxaa warbixino laga dhageysan doonaa Guddiyada Garsoorka iyo Cadaaladda Baarlamaanka Golaha Aqalka Sare.

Senatarada Aqalka Sare ayaa ka doodaya, kolka uu Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya kahor aqriyo Golaha, qeybaha uu ka kooban yahay Hindise sharciyeedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayuu u gudbi doonaa Hindise sharciyeedkan si uu u saxiixo, marka ay ansixiyaan Golaha.

You might also like More from author