Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku dhintay weerarkii Hoteel Naasa hablood 2

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in uu ku dhintay Weerarkii Hotel Naasa hablood 2 Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaasi Madoobe nuunoow Maxamed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka.

Waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta degan Gudaha Hoteelka, waxaana la sheegay in ay toogteen raggii hubeysnaa ee galay Gudaha Hoteelka.

Waxaa sii kordhay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii iyo sidoo kale weerarkii ka dhacay Hoteel Naasa Hablood 2.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay Weerarkaasi,waxaana ku dhaawacantay tiro intaasi ka badan.

You might also like More from author