Wasiir Juxa oo ka hadlay go’aankii Wasiirada looga mamnuucay isticmaalka Warbaahinta

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaliya Cabdi Siciid Faarax Juxaa, ayaa ka hadlay go’aankii Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka ka soo baxay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya looga mamnuucay inay Warbaahinta qaybaheeda kala duwan isticmaalaan, iyagoo aanan fasax ka haysan Ra’iisal Wasaaraha.

Juxaa oo la hadlaayay Idaacada BBC, ayaa sheegay wixii shaqada Wasaaradda arrimaha Gudaha ku saabsan inuu ka hadlo karo, maadaama uu yahay Wasiirka arrimaha Gudaha.

“Waxaan la filayaa go’aankaasi lama xiriirto shaqadeyda, anigoo kale hadda waxaan ahay Wasiirka arrimaha Gudaha, shirkaan anaga ayaan qaban qaabinay, tan oo kale fasax uma qaadaneyno, laakiin haddii ay noqoto arin kale oo Siyaasada dalka khuseysa oo aanan aheyn shaqadayda, malaha taas ayaa loola jeedaa tana ma khuseynayso, waan leeyahay facebook waan isticmaalaa, laakiin waan aqaan waxaan gelinaayo iyo inaan ka fiirsado waxa ay tahay.”  Ayuu yiri Wasiir Juxaa.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa guud ahaan laga mamnuucay inay ka hadlaan Warbaahinta, kadib markii hal dhacdo oo ka dhacday degaanka Bariire, saddex Wasiir oo Dowladda ka tirsan Siyaabo kala duwan uga hadleen, kii ugu darnaana uu ku sheegay shacab la laayay inay Shabaab ahaayeen.

Tallaabada Wasiirada looga mamnuucay inay ka hadlaan Warbaahinta ayaa hadal hayn kala duwan ka dhalisay Baraha Bulshada ay ku wada xiriiraan, iyadoo dadka siyaabo kala duwan go’aankaasi u fasirayeen.

Siyaasiyiinta falanqeeya Siyaasadda Dowladda ayaa ku tilmaamay go’aankaasi mid loo baahnaa inuu soo baxo xilli hore, laakiin lala soo daahay, maadaama Wasiirada qaar ay isaga soo qoraan Barta xiriirka Bulshada ka isticmaalaan, waxyaabo aysan habooneyn Wasiir inuu ka hadlo.

You might also like More from author