Wasiir Islow oo shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii guud ee wasaaradda Amniga Gudaha.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Amniga Yuusuf Cali Mohamed, isagoo si Kumeel gaar ah xilkaas ugu magacaabay Axmed Cabdi Kooshin.

Warqadaan shaqa joojinta ah oo taariikhaysan 17 August oo ay heshay Mustaqbal ayaa shaqa looga joojiyay Agaasimihii Guud ee wasaaradda Amniga Gudaha Yuusuf Cali Mohamed, ayaa sidoo kale lagu magacaabay sii hayaha Agaasimaha guud.

Qoraalka ayaa looga Codsaday dhamaan hay’adaha Amniga in ay la shaqeeyaan sii hayaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda amniga Soomaaliya Axmed Cabdi Kooshin.

Hoos ka aqriso Qoraalka Shaqo joojinta ah.

You might also like More from author