Wasiir Islow iyo Taliyaashiisa oo kormeeray Kontoroolada Muqdisho laga soo Galo+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xalay kormeeray Baraha Kontaroolada ee laga soo galo magaalada Muqdisho waxayna la kumliyeen Taliyaasha ku sugan goobahaasi iyo ciidamadooda.

Wasiir Islow oo la hadlay Ciidamada ayaa ku amaanay dadaalkooda waxa uuna ka dalbaday inay sii laba laabaan sugidda amaanka magaalada Muqdisho.

Taliyaasha Ciidamada Qalbaka Sida ee Kormeerka qeybta ka ahaa ayaa wasiirka u sheegay in habeen iyo maalin ay usoo jeedaan nabad galyada magaalada lana baaro gaadiidka Muqdisho soo galo, Saraakiisha ayaa sheegay inay ka hor tagayn qorshayaal badan oo ay shabaab ku soo gali lahaayeen gobalka Banaadir.

You might also like More from author