Wasiir Islow: ” Al-shabab waxaa laga yaabaa in ay weeraraan Dekadda Hobyo”

Wasiirka amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in horumarka iyo qorshaha lala damacsanyahay degmada Hobyo ay ka hor yimaadaan Al-shabaab islamarkaana weerar ku qaadaan.

Islow oo la hadlayay dadka Magaalada Dhuusamareeb ayaa ugu baaqay in ay taageeraan dowladda,waxaa uu shacabka ugu laab qaboojiyay in dowladda dhexe ay u hagar baxday Maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay la dhameysay dowladda Qadar dhismaha Dekadda Magaalada Hobyo oo uu sheegay in Al-shabaab ay weerari karaan haddii la dhiso.

Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ee uu la hadlayay ayuu ugu baaqay in ay midnimo muujiyaan kana feejignaadaan weerarrada Al-shabaab.

Wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa dhinaca kale sheegay in Al-shabaab ay afar degmo ka heystaan Galmudug, dowladdana xoogga saareyso sidii looga saari lahaa magaalooyinkaas.

You might also like More from author