Wasiir Beyle Oo Xog Kusaabsan Dhaqaalaha Dalka siiyey Dalal Afrikaan Ah

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warbixin siiyey Wasiiro Maaliyadeedka Dalal Badan oo Afrikaan ah kadib shir ka dhacay Aalada Zoom-ka.

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Saraakiil katirsan Hay’ada Lacagta Adduunka IMF & Bankiga Adduunka ayaa waxa Soomaaliya dib ukabashada dhaqaale iyo maareynta cudurka Covid19 uu ka hadlay Wasiir Beyle.

“Iyada oo lagu guda jiro shirka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa waxaa inoo suuro gashay qeyb kamid ah Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika in ay si gaar ah u shiraan.

Waxa aan  Wasiirada la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalladii Dowladda Soomaaliya ee dhaqaalaha dalka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sare ugu qaadidda Dakhliga gudaha. Sidoo kale waxa aan ka warbixiyay qaabka ay Dowladdu uga falceliday la tacaalidda Covid-19’ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waddamada Wasiiradooda ka qeybgaleen Shirkaan ayaa amaanay sida kobaca dhaqaale Soomaaliya usameysay Sanadihii lasoo dhaafay ayna taasi muujineyso in ay la timid shaqo adag oo lagu dhiiraday.

You might also like More from author