Wasiir Beyle Oo Kormeeray Kastamka Canshuuraha Garoonka Muqdisho

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Xil gaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu maanta kormeer ku sameeyey Waaxda Canshuuraha Ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wasiir Beyle ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Canshuur qaadista qaabilsan,iyadoo uu sheegay in uu ku baraarujiyey dar dar gelinta Howlaha socda.

Wasiirka ayaa si kooban uga hadlay waxa uu daaranaa Socdaalkoodaasi waxaana uu yiri:

“Maanta waxa aan markale kormeer ku tagay furdada Cashuuraha garoonka Diyaaradaha Muqdisho (AAIA).

Ka warqabka howlaha dakhli uruurinta dalka waa mid ka mid ah waajibka ugu muhiimsan ee W.Maaliyadda, maadaama Cashuurahu yihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha.

Shalay ayaa sidaan oo kale waxa Wasiir beyle uu Kormeeray Kastamka Canshuuraha Dekada Muqdisho.

Canshuurta kasoo xaroota Madaarka Caalamiga Muqdisho ayaa waxa uu ka mid yahay Ilaha dhaqaale Ee Dawlada ugu muhiimsan.

164512608 2237437823056802 8194560964231895383 O

164742964 2237437513056833 8019922518740452635 O
164792577 2237437996390118 3267105117536742452 O

165066764 2237437696390148 5658792555546080264 O

165226158 2237446393055945 7737359527635345823 O

You might also like More from author