Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo maanta Ardayda Shahaadiga ah ka qaadeysa Imtixaan.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka May 2019-ka waxa ay dib u qaadeysaa Imtixaanka Shahaadiga oo ay dhowaan baabi’isay.

Wasaaradda ayaa joojisay Imtixaanka u socday Ardayda oo ay galeen Saddex cishe, kadib markii qishka imtixaanka uu ku faafay Baraha Bulshada.

Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fadhiisanaya Sanadkan  31,500 oo Arday ah oo ku kala sugan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

13-kii bishaan, Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in la baarayo dadkii ka dambeeyay in uu baxo qishka Imtixaanka, waxaana maalmo kadib xigay in la xiray nin Booliisku ay sheegeen in uu dusiyay Maadooyinka.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa xalay Ardayda ka dalbaday in si deggen ay u galaan imtixaanka.

Waxa uu soo bandhigay shuruudo laga doonayo in ay fuliyaan Ardayda galeysa Imtixaanka shahaadiga ee sanadkaan waxaana kamid ah:

In ay soo qaataan Kaararkooda, in ay kasoo tagaan teleefoonada gacanta iyo in ay ka fogaadaan Ardayda wax waliba oo kahor imaanaya Imtixaanka ay galayaan, isaga oo waalidiinta ka dalbaday in ay la qaataan mas’uuliyadaasi sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn, Wasiiru Dowlaaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Ciidamada Ammanka ka dalbaday in ay u turaan Ardayda oo si wanaagsan ula dhaqmaan

You might also like More from author