Wasaaradda Caafimaad ka oo soo Bandhigta Tira Koobka Xanuun ka Corona-Virus ee Dalka.

Iyadoo weli uu dalka ka jiro halista cudurka Corona-Virus ayaa wasaaradda caafimadka ee dowladda Federal-ka waxaa ay muujineysa dadaalo ay uga hortgayaan faafitaanka xanuuka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda ayaa soo bandhigtay maanta tirade rasmiga ah ee cudurka hayo iyo kuwa u dhintay oo ay wasaaradda tira koob ku sameysay.

Warbixinta maalinlaha oo ay wasaaradda soo bandhigto ayaa sidaan lagu baahiyey maanta xogta COVID-19 {Feyruska Karoona} .

Waxaa la diiwaan galiyey 209 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 11 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 21 ruux.

Wasiirka Wasaaradda  Caafimaad ka , Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa  sheegtay  in xogahaas laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 181 iyo Somaliland 28 qof, 140 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 69-na ay yihiin haween.

BY: MOHAMED YAHYE JIINOW

You might also like More from author