Wasaaradda Batroolka Somaliya oo qabaneysa shirar looga hadlayo Shidaalka Somaliya

Wasaaradda Batroolka iyo kheyraadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qabaneyso labo shir oo muhiim ah loogana hadlayo shidaalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud C/Qaadir Hilaal ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in shirarkaasi midkood uu ka dhacayo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Waxa uu sheegay in shirka shidaalka ee Istanbuul ay ka qeybgeli doonaan sharikado laga leeyahay Qaaradda Aasiya,kuwaas oo daneynaya shidaalka Soomaaliya.

Shirka 2aad ayuu sheegay in uu ka dhacayo Magaalada Bouston ee dalka Mareykanka,kaas oo isna ay ka qeybgeli doonaan sharikado laga leeyahay dalka Mareykanka.

You might also like More from author