Wasaaradda Awqaafta oo soo saartay amarro la xiriira Covid-19

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  kulan looga hadlayay ka hortagga karoona fayrus kula qaatay masjidka isbaheysiga culimaa’udiinka, imaamyada iyo khadiibyada masaajidadda magaalada Muqdisho.

Sheekh Basiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Cabdi Xayi oo kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay doorka looga baahanyahay culimada xilliyadan oo kale, iyagoo ku baaqay in wadajir loo wajaho ka hortagga COVID-19 oo dhibaato ba’an ku haya dalkeenna.

Kulanka ayaa laga soo saaray bayaan ka kooban 9-qodob, kaasi oo awaamiir dul dhigaya masaajidda iyo goobaha le’isugu yimaado si looga hortago faafidda cudurka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Maxamuud Macalin Yaxye ayaa faray imaamyada masaajidda dhaqan gelinta bayaanka si looga taxadaro faafidda COVID-1

BY: MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author