Wasaaradda Arimaha Dibadda oo u yeertay Safiiro, kuwa cusubna Magacaabeysa

Wasaaradda Arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay 8-Danjireyaal oo kala jooga dalal kala duwan, waxaana loo qabtay inay xarunta dhexe ee wasaaradda ku yimaadaan 30 Cisho gudahood.

Sababta loogu yeeray Safiiradan ayaa lagu sheegay inay tahay waqtiga ay joogaan Safaaradahaasi oo ay dhaaftay xiligii loogu tala galay, waxaaana wasaaradda ay dooneysaa inay isbedel cusub ka sameyso Sideedan Dal, iyadoo markii ay kuwaan yimaadaan magacaabi doonto kuwo cusub.

HALKAAN HOOSE KA AQRISO WARSAXAAFADEEDKA OO NUQUL KA MID AH AY HESHAY WARBAAHINTA XAMARPOST.COM

You might also like More from author