Wariye Xuseen Gurmad Oo ka tirsan radio kulmiye ayay jirdil u geysteen ciidamo uu wato Genaral Saneey Cabdulle

Ciidamada Genaral Saneey Cabdulle oo wata gaari Cabdi bile ah ayaa saakay Xuseen Cabdulle Maxamed oo katirsan KNN oo ku jira feel baaritaan ah kula kacay Jirdil, hanjabaad iyo rasaas lagu furay.

Falkaan waxa uu ka dhacay barta kontaroolka Xaawo Taako ee laga ilaaliyo madaxtooyada iyadoo ay goob joog yihiin Ciidamada rugtaasi.

Waxaa nasiib darro ah in iyadoo Janankii saaran yahay gaariga ay Ciidamada sidaan qof shacab muwaadin ah u galaan.

Waa markii 2aad oo bartaas sidaan loogu jirdilo Xuseen waana markii 2aad ay Ciidamada Janaraal Saneey ay dil ugu hanjabaan.

Sawirkaan waa qori Bee-kaa em ah oo lagu garaacay gaarigiisa markii uu la hadlayna waxay ku fureen rasaas waxa uuna kala soo baxsaday naftiisa.

You might also like More from author