WARIYE MAXAMED YAXYE JIINOW OO LAGU XIRAY MAGAALADA MUQDISHU.

Wariye Maxamed  Yaxye Jiinoow ayaa si sharci darro ah loogu xiray Magaaladda Muqdishu.

Wariye Jiinoow ayaa lagu xiray saldhiga Degmada XamarJajab mudda dhan Afar saac {4 saac}.

Taliyaha Degmada XamarJajab Faarax Daran Dare ayaa amray xariga Wariye Mxamed Yaxye Jiinow.

Wariye Maxamed Yaxye Jiinoow ayaa lagu eedeeyey warbixin ku saabsaneyd cudurka Juudaanka  nin qabay oo uu dhawaan Wariyaha Tabiyey.

Wariyaha ayaa lagu war galiyey in uu jiro shir jiraa’id isagoona lagu casuumay in uu kasoo qeyb galo shirkaasi kadibna  xariga sharci darro ah yaa lagu riday wariye Maxamed Yaxye Jiinow.

Wariye Maxamed Yaxye Jiinow ayaa can ku ah sameynta barnaamijyada waxku-ool ka ee looga hadlo arrimaha bulshada iyo udoodida dadka dhibanayaasha ah.

Ugu dambeyn Wariye Maxamed Yaxye Jiinow ayaa xoriyadiisa dib u helay  kadib muda kooban oo wariyaha lagu xiray Saldhiga Degmada Xamar Jajab.

You might also like More from author