WARIYE MAXAMED YAXYE JIINOOW:WAA SIDEE ARAGTIDA SHACABKA MUQDISHU KUNOOL FURITAANKA DACWADDA BADDA EE KENYA IYO SOOMAALIYA?

Wariye Maxamed Yaxye Jiinoow ayaa cod baahiyaha Warbaahinta Xamar Post waxa uu maanta ladhex qaaday qaar ka mid ah Dadweynaha kunool Magaalada Muqdishu. Dad weynaha Muqdishu kunool ayaa aad usoo dhaweeyey furitaanka Dacwadda Badda ee maanta dhageysigeeda ka bilaabatay Hague.

Dadka kunool Muqdishu ayaa guul u rajeeyey wafdiga dowladda ee u badan qareenada matalaya Soomaaliya.

Dhagaysigii maxkamadda caalamiga ah (ICJ) ee dacwaddii badda ee u dhaxaysay Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka bilaabantay maanta magaalada The Hague ee dalka Netherlands

Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay inaysan ka qaybqaadanayn dhagaysiga.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qaybqaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya.

Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay donayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan

You might also like More from author