Wariye Caan ah oo Goordhow Dhaawacmay & Asli oo Geeriyootay

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Asli Cabdi Xayir ayaa ku geeriyootay halka wariye Axmed C/raxmaan Jaakat oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dagan Mareykanka uu ku dhaawacmay kadib markii baabuur ay la socdeen uu ku dhacay tareen gudaha magaalada Barron ee gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka .

Booliska magaalada Barron ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan sababaha keenay in baabuurka iyo tareenka ay isku dhacaan.

Axmed Jaakat oo hadda ku jira cisbitaalka Mayo Clinik oo lagu daweynayo ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Shilkaan ayaa ahaa Mid aad looga naxo, waxaana Soomaalida kunool Mareykanka ay codsadeen in lasoo qabto Wadihii tareenka ku dhacay Gaariga ay saarneeyeen labadda Muwaadin ee Soomaaliyeed.

You might also like More from author