Wargeyska The Gurdian”Askari ka tirsanaa Jiray Ciidaanka Dowladda ayaa ka danbeeyay Qaraxii Zoobe”

Jariidada The Gurdian ee kasoo baxda dalka Britten ayaa daabacday in Mas’uuliyiinta gacanta ku haysa baaritaanka werarkii 300 ay ku dhinteen ee ka dhacay isgoyska Zoobe ruuxi fuliyay uu ahaa qof aargadusho u socday isagoo ka jawaabaya weerar bishii Agust ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin Soomaali ah oo jariidada ay soo xiganayso ayaa sheegay in ninkii dilay in kabadan 300 qof uu horey uga tirsanaa ciidanka Soomaaliya kaas oo ay laba bil ka hor ay ku doonayeen Ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Mareykan howlgal ay ku qaadeen degaanka Bariire oo muran weyn uu ka dhashay markii howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan 10qof oo rayid ah.

Barayaasha ayaa rumaysan caradii ka dhalatay qeyb ahaan howlgalkii Bariire ee dadka rayidka lagu dilay uu ku dhacay weerarkii 14kii bishaan Zoobe ka dhacay.

Weerarkii bishii Agust waxaa lagu dilay caruur da’doodi u dhaxeeysay 10 ilaa 6 sano jir.

Baraayasha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiri karaan dhacdooyin kale oo lala xiriirin karo weerarkii Zoobe

dhanka kale Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen tan iyo inti uu qarraxa dhacay ay tilmaamayaan in hadafku uu ahaa in saldhiga milatari ee ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

30-ki bishii September ayaa si rasmi ah xariga looga jaray saldhiga milatari ee Turkiga uu ka furay Muqdisho. Sida ay sheegtay Dowlada Turkiga, qorshaha ayaa ah in 200 oo sarkaal oo Turkish ah ay xerada ku tababari doonaan ilaa iyo 10,000 oo askari oo Soomaali ah.

Qaraxaan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya. Ilaa iyo iminka ma aysan sheegan kooxda Al Shabab, balse Dowlada Soomaaliya iyo xeel dheerayaasha arrimaha argagixisada ayaa rumeysan qaraxi Zoobe ay ka danbeeyeen Al-Shabab.

Saraakiisha amniga ee Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale VOA-da u xaqiijiyay in ay su,aalo weydiinayaan darawalka baabuur Toyota Noah ah oo isna Sabtidi hore ku qarxay magaalada Muqdisho. Waxay kaloo sheegeen in ay xireen afar nin oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabab isla markaana lala xiriirinayo qarraxi lagu baaba,ay ee Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarraxi 14-ki October ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo ruux. Tiro intaasi ka badan ayaa ku dhaawacmay.

You might also like More from author