Wareegga 1-aad ee codeynta Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka oo la soo gaba gabeeyay

Waxaa la soo gaba gabeeyay codeynta wareegga koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana iminka la guda galay tirinta coddka.

Guddiga Doorashada ayaa iminka bilaabaya tirinta codadka Doorashada ee wareegga koowaad, waxaana tirinka kadib ay guddiga ku dhawaaqi doonaan natiijada Doorashada.

Siiyaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdi weli Muudeey ayaa shaaca ka qaaday in uu soo gabo gaboobay codeynta wareegga koowaad ee Doorashada, iminka ay bilaabayaan Guddiga arrinta ku howlan tirinta codadka.

Musharaxii hela 50+1 ayaa ku guuleysan doona wareegga Koowaad Gudoomiyaha Golaha Shacabka, hadii Musharaxiinta Midna heli waayo waxaa loo gudbi doonaa Wareegga Labaad.

You might also like More from author