Wararkii Ugu Dambeeyey Shirka Ka Furmaya Maanta Teendhada Afisiyooni

Shirka Maanta Furmaya ayaa ahmiyad weyn ugu fadhiya Shacabka Soomaaliyeed iyadoo Beesha Caalamkana ay isha kuwada heyso go’aanada soo bixi doona.

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay Teendhada Afisiyooni uu shirka ka qabsoomayo,iyadoo lasoo sheegayo in hadda lagu sii qul qulayo halkaasi.

Nuxurka Khudbadaha ayaa la sugayaa waxay noqdaan,taas oo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul gobolleedyada laga dhursugayo warka ay soo jeediyaan.

Xoogga Shirka iyo Go’aanada la filayo waa berri oo Talaado ah oo xitaa Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ka qeyb galaya maalinta udambeysa Shirkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay siyaasad ahaan Farmaajo is neceb yihiin ayaa isna lagu casuumay Shirkaasi ay garwadeenka ka tahay Beesha Caalamka.

Lama oga waxa lagu heshiin doono,iyadoo Saaxiibada Caalamka Ee Soomaaliya ay xoogooda iskugu geeyeen sidii nidaam doorasho Dalka u aadi lahaa.

You might also like More from author