Wararkii ugu dambeeyey Shirka Afisiyooni ka socda maalintii Labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda Muqdisho Shirka hordhaca ah ee udhaxeeya Madaxa DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,iyadoo Amaanka Teendhada Afisyooni aad loo adkeeyey.

Shirkaan oo qorshihiisa ahaa hal maalin ayaa maalin dheeraad ah la isku waafaqay in la iskugu yimaado, si looga dooda culeysyada siyaasadeed ee ku horgudban Shirka rasmiga ah.

Inkastoo Kulankii shalay u hareeyay isku soo dhawaanshiyo bar bilow ah iyo dhageysiga tabashooyinka labada dhinac, ayaa hadana waxa si toos ah aan looga hadlin jidka rasmiga ah ee doorashada loo marayo.

Kulanka maanta waxa qorshuhu yahay in la guda galo ajandaha shirka soo socda in dhinacyada isku afgartaan, waxaa la filayaa in la soo saaro war murtiyeedka Ajandaha shirka soo socda,wakhtiga la qabanayo iyo mudada uu socon doono balse waxaa ka horeysa in shirka hadda socdo la isku fahmo.

Arinta ugu weyn ee shirkii shalay ayaa ahaa in la xadido awoodaha hay’addaha dowladda sida mida Fulinta iyo tan sharci dejinta inta doorashada socoto.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo dhaliilsan siyaasada Madaxweyne Farmaajo ayaa maalintii labaad ka qeyb ah shirka Afisiyooni ka socda,dooda shirka weyna afkaartooda ku biirinaya.

Waxaa xadidan xogta laga heli karo shirkaasi iyadoo warbaahinta madaxa banaan aan loo ogolaan inay goob joog ka noqoto shirkaasi.

You might also like More from author