Wararkii ugu dambeeyey Saaka xaalada Qasa & Duqeymihii dhacay

Waxaa weli sii socda Duqeymaha ay isweydaarsanayaan Israa’iil iyo Kooxda xamaas iyadoo khasaaraha duqeymahaasi ay kordheen.

Dhowr gantaal ayey Xamaas ku garaaceen Magaalada Talaabiib,iyadoo taas madaafiic jawaab celin u ahaa ay Qasa asqeeyeen saacadihii lasoo dhaafay.

Inkabadan 200 dad falastiiniyiin ah ayey dhimashadu gaartay sida ay baahinayaan warbaahinta sida tooska ah utebinaya wararka Qasa.

Saaka oo isniin ah weli gantaalo lama maqlin ku dhacaya Labada Daraf hayeeshee Cabsida dadka ayaa ah mid weli taagan,iyadoo xamaas ay ku goodisey inay aar gudan doonaan.

Todobaad kadib Qasa waxa ku daadanaya dhiig badan taas oo loogu baaqayo dawladaha Islaamka inay garab istaag umuujiyaan walaalaha reer falastiin.

You might also like More from author