Wararkii ugu Dambeeyay Qarax Khasaara badan geystay oo laga Eegtay Ciidamada Kenya

Ugu yaraan 7 ka mid ah Ciidamada Kenya ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose  iyada oo gaari ay saarnaayeen Miino la kacday.

Goobjoogayaal iyo Sraaakiil dhinaca ammaanka ah ayaa xaqiijiyay in sidoo kale laba askari uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarkaas.

Sarkaal ka mid ah Militariga Soomaaliya oo diiday in magaciisa la sheego ayaa xaqiijiyay in uu arkay maydka 7 ka mid ah Askarta Kenya, halka laba kalena ay dhaawac halis ah yihiin.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan yahay, Askar ka badan 10 ay geeriyoodeen iyaga oo intaas ku daray in Qaraxa oo xoog lahaa uu saameeyay laba ka mid ah Kolanyada Ciidanka Kenya ee maraayay Dhoobley.

Ciidanka Kenyaan-ka ah ee lagu dilay weerarkaas waxaa lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen hawlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya wali kama hadlin weerarka looga laayay Askartan,Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegteen mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay ku faaneen in ay ku dileen 15 ka mid ah Askarta Kenya.

You might also like More from author