Wararkii ugu Dambeeyay Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu geystay Ruux la sheegay in uu gaari gacan ku waday waxyaabaha Qarxa.

Saraakiisha Ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyay in qofkaasi uu ku qarxay Afaafta hore ee Saldhiga.

Waxa ay xaqiijiyeen Saraakiisha Amniga in Qaraxaasi uu ku dhintay Shaqsigii waday Gaari gacanka oo kaliya.

Waxaa uu sidoo kale jira dhaawacyo aan badneyn oo fudfudud.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay joojiyeen ninka isqarxiyay , islamarkaana uu diiday kadibna uu qarxay.

You might also like More from author