Wararkii ugu dambeeyay Ololaha Mooshin laga wado Guddoomiye Muudey

Ololaha Mooshinka laga diyaarinaayo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa si weyn u xoogeystay , waxaana socda kulamo Madaxtooyadda ay ku leeyihiin xildhibaanada Mooshinka wadda.

Gudoomiyaha Muudey ayaa lagu waddaa in uu si deg deg ah dalka ugu soo laabto si uu dhankiisa u bilaabo is difaacida, maadaama laga waddo Mooshin aan wali soo shaacbixin.

Ololaha Mooshinka ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Ilo kalsoonaan karo ayaa xamar post  u sheegay in  guuxa Mooshinka uu soo bilowday tan iyo markii  Golaha Shacabka la horkeenay sharciga doorashooyinka.

Ololaha Mooshinkaan ayaa si xowli ah ku socda, waxaana la sheegay in aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin meelmarintiisa, islamarkaana wali ay socdaan tashiyo ay waddaan xildhibaanada Ololaha Mooshinka wadda iyo Mas’uuliyiin daba ka riixaysa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudoomiye muudey uu kasoo horjeedo Sharciga Doorashooyinka oo hada horyaala Baarlamaanka.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey  ayaa haataan ku maqan dalka Turkiga, iyadoo la rumeysan yahay inuu xilligan awood ku leeyahay Baarlamaanka, waxaana la xusuustaa doorkii uu ku lahaa ridistii Guddoomiye Jawaari.

You might also like More from author