Wararkii ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Daadad kusoo rogmay Berbera

Wararka naga gaaraya Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in roobab dabaylo wata oo ka dhashay duufaankii ku dhufatay xeebaha Badda Cas, ay xalay saqdii dhexe ku dhufteen magaalada Berbera.

Magaalada Berbera ayaa waxaa kusoo rogmay daadad xooggan,waxaana ay jira waxyeelo soo gaartay dad iyo duunyo intaba.

Inta la xaqiijyay hal qof ayaa ku dhintay guri ku dumay, waxaana sidoo kale maamulka Berbera ay daadgureeyeen  950 qof oo haatan ku sugan dugsiyada xaafadaha Berbera.

Roobab laxaad leh oo daadad ku soo rogay dooxyada ayaa jiidahaasi ka da’aya, waxaana hadda go’an wadada isku xirta Berbera iyo Bullaxaar.

You might also like More from author