Wararkii ugu Dambeeyay Doorashada Hirshabeelle & Masuuliyiin Jowhar gaaray

Waxaa maanta gaaray magaalada Jowhar wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana wafdiga horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow.

Wafdigan ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle waxaana lagu wadaa inay goobjoog ka noqdaan doorashada berri ka dhacaysa xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.

Xildhibaanada soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Daahir Amin Jeesow,xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy,Senatar Nacima Ibraahim Yuusuf iyo Senatar Maxamed Xuseen Raage.

Illaa siddeed musharax ayaa lagu wadaa in berri ay u codeeyaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle waxaana ka socda caawa magaalada Jowhar ololihii ugu xooganaa ee ay musharaxiintu ku doonayaan inay ku helaan codadka xildhibaanada.

Musharaxiinta oo badankood degen dhismooyin aan kala fogeyn ayaa laga dareemayaa maanta saxmadii ugu badneyd iyadoo ayna dhinac socoto ammaanka oo la adkeeyay xarunta ay doorashada ka dhacayso iyo goobaha ku dhow dhow.

You might also like More from author