Warar ku saabsan Caleemasaarka Madaxweyne Waare
Qabanqaabada Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ka socota Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in la caleemo saaro todobaadkaan sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle.
Waxaa uu shalay la kulmay saraakiisha Ciidamada AMISOM ,Waxaana uu ka codsaday in ay adkeeyaan Ammaanka xilliga Caleema saarka.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Beesha Caalamka ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Xafladda Caleemasaarka.