WAR DEG DEG: Meydadka dadkii lagu laayay Bariire oo la amray in la aaso

Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada qalabka sida ayaa amar ku bixisay in la aaso dadkii dhawaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay ku laayeen degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Ku simaha Xeer ilaaliyaha guud ee Maxamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Axmed Jiinow Xasan oo ku saxiixnaa Warqaddan ayaa laanta Dambi baarista ee C.ID-da amray in ay Maydadka ku wareejiyaan ehelladooda si loo aaso.

Eheladda Dadkii lagu dilay Bariirre ayaa sheegay in Meydadkaas aan la aaseyn ilaa ay Dowladda war cad ka soo saarto sababtii lagu beegsaday iyo cidda loo raacanayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi gaar ah oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya u saartay dhacdadii Bariirre waxaana la filayaa in Guddigaas tagaan degaanka uu weerarku ka dhacay.

You might also like More from author