WAR DEG DEG:- Masuuliyiin & Shacab Xabsiga loo dhigay Weerar Shabaab qaadeen

Wararka laga helayo Degmada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ay Tiro dad ah u Xir xireen Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Dadka la Xir xiray ay gaarayaan illaa 20 Ruux,kuwaas oo isugu jira Ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo Dad Shacab ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ku dhow yihiin illaa 7 Askari,halka 13-ka kale ay yihiin Dad Shacab ah oo ay ku jiraan Xubno Ganacsato ah.

Xariga Dadkaan ayaa la sheegay inuu la xariiro Fududeyn Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Degmada Baled-xaawo ee Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland iyo Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dadka u xiran Weerarkii Shabaabku ay ku qaadeen Magaalada Baled-xaawo ay weli baaris ku socoto islamarkaana Hay’addaha Ammaanka Jubbaland ay weli baaritaan ku wadaan.

You might also like More from author