WAR DEG DEG:- Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray Gaalkacyo

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Camay iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Safarkiisa ayaa salka ku haaya Xalinta Xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka taagan qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay Weeraro badan oo ay geysteen Kooxo hubeysan ,taasoo sare u qaaday Xiisadda gobolka Mudug.

Sidoo kale Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeysa golaha degaanka Gaalkacyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ku sugan Gaalkacyo oo halkaasi u tagay xalinta Xiisadda ka taagan Mudug.

You might also like More from author