War deg deg ah:- Ciidamada NISA oo galay guriga Xildhibaan Cadow Cali Gees.+SAWIRO

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta Galay Guriga Xildhibaan Cadow Cali Gees oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Barqadii maanta ayaa la sheegay in Ciidamo Nabad Sugid ah ay galeen Guriga Xildhibaanka oo ku yaalo Gudaha Dekadda Muqdisho.

Ciidamada ayaa barayay muddo ku dhaw 4 saacadood Gudaha Guriga waxaana la sheegay in Xildhibaanka uu ku maqan yahay Wadanka Maraykanka.

Shaqaalaha Guriga ayaa sheegay in ay Alaabta Guriga iyo Xafiisyo Xildhibaanka lahaa Banaanka la keenay qaarkoodna Bur bur loo geestay.

Img 20180419 Wa0002
Img 20180419 Wa0002
Img 20180419 Wa0003
Img 20180419 Wa0003
Img 20180419 Wa0004
Img 20180419 Wa0004

You might also like More from author