WAR DEG DEG: 4-Saraakiil Shabaab Caan ah oo la Dilay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday howlgal lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab,kuwaasoo markii hore dad shacab ah ku dilay Gobolka Shabeellaha hoose.

Cali Nuure Maxamed Gudoomiye Ku xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Afar Dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab shalay gelinkii dambe lagu dilay wadada xiriirisa Degaanka Xaawo-cabdi iyo Laanta Buuro.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Cali Nuur raggan Ciidamada Millitariga Soomaaliya ay dileen in dhowr jeer ay dilal ka geysteen degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, shalay oo ugu dambeyseyna ka hor inta aanay howlgalka lagu dilin ay rasaas ku fureen Gaari ay la socdeen Odayaal, halkaasi oo ay ku geeryoodeen laba Oday iyo Askari la socday.

Cali Nuure Maxamed ayaa tilmaamay Shabaab inaanay dadku ku dilin sabab iyo sabab la’aan toona, balse ay iska dilaan cid kasta oo wadada maraysa.

Ugu dambeyntii Cali Nuure ayaa waxa uu ku baaqay in Dowladda Soomaaliya ay dardar geliso hawlgalada amni ee Gobolka Shabeellaha Hoose, lana kordhiyo tirada Ciidamada.

You might also like More from author