WAR CUSUB: Shirkadii ka Dambeysay Xasuuqii Bariire oo War lama filaan ah soo saartay

Shirkadda Bancroft oo ah Shirkadda dhinaca ammaanka ee Mareykanka ee ka howlgasha Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay arrinta ku aadan inay ka dambeysay weerarkii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee ka dhacay deegaanka Bariire.

Shirkadda oo soo saartay qoraal rasmi ah ayaa been abuur ku tilmaamtay inay qeyb ka leedahay weerarka dadka lagu xasuuqay ee ka dhacay Bariire.

Shirkadda ayaa sheegtay inay aragtay warar la isla dhex marayo oo sheegayo inay iyada ka dambeysay weerarkaas, waxayna arrintaas ku tilmaamtay been abuur aan loo meel dayin.

Bancroft ayaa carabka ku dhufatay inay iyada kaliya la shaqeyso ciidamada AMISOM iyo kuwa DANAB oo aan howlgal ka Bariire qeyb ka ahayn, isla markaana aanay shirkaddu lahayn ciidamo dagaalama ee shaqadeedu tahay mid farsamo iyo tababar, waxayna wax laga xumaado ku tilmaamtay in laga been abuurto iyadoo Soomaaliya u joogto caawimaado oo kaliya.

Waxay wax lagu xumaado ku tilmaamtay in laga been abuurto xilli ay xustay inay shaqaale badan oo shirkadda ka tirsan ay ku naf waayeen iyadoo caawineyso dowladda iyo AMISOM.

Baraha Bulshada ayaa la isla dhex marayey inay shirkadaan ka dambeyso weerarkaas, wuxuuna hadaladaas shirkadda ku qasbay inay qoraal rasmi ah kasoo saarto.

Waxay shirkadda ka dhawaajisay inay sagaal sano dowladda Soomaaliya ka caawineysay sidii loola dagaalami lahaa Al­Shabaab, waxayna iska fogeysay inay weli ku lug yeelatay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo Soomaaliyeed.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday Bancroft oo ku qornaa Luuqadda English­ka

You might also like More from author