WAR CUSUB: Kenya oo Cabsi gelisay Soomaaliya & Diyaarado dagaal oo lasoo dhoobay Xaduuda…

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowlada Kenya ay diyaarado dagaal soo dhoobtay xadka kala dhexeeya Somalia.

Diyaaradaha oo dhowr ah ayaa waxaa la xaqiijiyay inay isugu jiraan noocyada miiga iyo Helicoptero.

Qaar kamid ah diyaaradaha ayaa gaafmeera hawada Somalia, gaar ahaan dhulka howdka ah oo ay ku dhuumaaleystan maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku yaalla xadka labada dal.

Diyaaradaha ayaa ka qeybqaata howlgalada ay ciidamada Kenya ka wadaan deegaanada ku dhow dhow xadka oo ay duulaanka kasoo qaadan Al-shabaab.

Diyaarada qaar ayaa sidoo kale u jiheysta dhanka Jubbooyinka halkaa oo inta badan ay ka dhacaan duqeymo aan mirro dhal laheyn.

Diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo joogta ah ka geysta qaar kamid ah Gobolada dalka, kuwaa oo lagu waxyeeleeyo dad shacab ah.

Lama Oga talaabooyinka gaarka ah oo ay qaadi doonaan diyaaradaha dhowrka ah ee iminka lagu diyaariyay xadka.

You might also like More from author