Waqtiga ay kulmayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo la shaaciyay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Garoonka diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha kaga hortagay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Jabuuti sida, Ra’iisul Wasaraaha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweyne Farmaajo waxa uu martiqaad ka helay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana Madaxtooyada labada dal ay shaaciyeen waqtiga ay is arkayaan.

Labada Madaxweyne ayaa berri oo ah Isniin, kuna beegan 19-ka August waxa ay wada yeelanayaan wada hadallo ku qotoma xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Dowladood.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadan doono labo maalmood sida uu Warbaahinta u sheegay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ku wehliya socdaalkiisa Jabuuti
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaraaha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed,

You might also like More from author