Waqtiga ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Dib Loo Dhigay

Maalinta talaadada ah oo ku beegan 12 Bishan ayaa lagu waday in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle balse waxaa la sheegay in uu dib udhac ku yimid.

Arrintaan ayaa loo sababeynayaa kadib markii Guddiga doorashada madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ay sheegeen in waqtiga u haray uu aad u yar yahay sidaas darteedna ay codsanayaan in waqtiga loo kordhiyo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada ay dhici doonto 16 Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah si waxyaabaha u harsan ay u dhamestirtaan.

Sikaataba doorashadaan ayaa waxaa isku soo taagay ilaa 8 musharax kuwaas oo haatan olole ka wada Gudaha Magaalada Jowhar.

You might also like More from author