Wakiilka Qaramada midoobay ee soomaaliya oo balanqad usameyay Amisom

Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa durba billaabay shaqadiisa Soomaaliya kaddib markii uu shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho.

James Swan ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Madxaa AMISOM ee Soomaaliya  Francisco Madeira, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Mr. Swan, oo kulanka AMISOM ka hadlayay ayaa yiri ” ma lihin saaxiib aan Soomaali ahayn oo ka muhiimsan Midowga Afrika, xiriirkan aad ayuu u adagyahay dhamaanteen heer gobol iyo heer caalamiba si aan u taageerno Dowladda Somaliya iyo dadkeeda”.

“waxaan raadin doontaa wada shaqeyn, xiriir iyo horumarinta howlaheenna Somaliya si siyaasad ahaan Soomaaliya looga helo siyaasad miro dhal ah” ayuu yiri Madeira. oo kulanka ka hadlayay.

Kulanka waxaa kale oo joogay ku xigeenka AMISOM Simon Mulongo, Taliyaha AMISOM ee Soomaaliya Tigabu Yilma Wondimhunegn.

Halka dhinaca Qaramada Midoobey ay wakiilka cusub la socdeen saraakiil uu ka mid yahay ku xigeenka ahna siihayaha xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya  Raisedon Zenenga, Simon West oo ah lataliye sare oo dhinaca Milatariga kala taliya AMISOM kana socda Qaramada Midoobey.

You might also like More from author