Wafdigii Hindiya Ee Shirka G7 udirtay Oo laga helay Covid19

Wasiirka Arrimaha Diabdda Waddanka Hindiya Subrahmanyam Jaishankar, ayaa xaqiijiyey in laba ka mid ah Xubnaha ku wehlinaya Shirka Waddamada Warshadaha ku hormaray laga helay Caabuqa Covid19 kaddib baaritaan lagu sameeyay.

Labo ka mid ah Xubnaha ayaa laga helay caabuqa, kuwo kale oo baaritaan lagu sameeyey ayaa la sugayaa sida uu sheegay Wasiirku.

Waxa uu xusay in shirka G7 ee ka dhacaya London uu isaga oo jooga magaalada uga qeyb gelayo Online-ka.

Afar maalmood oo booqasho ah ayuu ku joogaa London oo uu kaga qeybgelayo shirka Waddamada Warshadaha ku hormaray ee G7.

Shirka G7 ayaa markii ugu horreysay laba sano kaddib waji ka waji uga dhacaya London.

Hindiya ka mid maaha Waddamada G7 ee ku hormaray Warshadaha hayeeshee waxaa casuumaad u fidiyey Covid19.

You might also like More from author