Wafdi Wasiir Khadiijo Diiriye Horkaceyso Oo gaaray Baydhabo
Xubno katirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi ay Hogaaminaysay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
Socdaalka Wafdigan ayaa ah sidii Koonfur Galbeed loo soo gaarsiin lahaa Deeq ka timid Walaalaha Sacuudi Carabiya.

