Wafdi ka socda HirShabelle Oo Mashaariic ka fulinaya Xadka Itoobiya

Wafdi Wasiiro katirsan Dawlad Gobolleedka Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa gaaray deegaanka feer feer ee dhaca xadka Soomaaliya la wadaagto Dalka itoobiya.

Wafdiga uu qeyb ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyle Cismaan,waxa ku wehlinaya Wasiirka dekedaha iyo Gadiidka Hirshabeelle, Wasiir ku xigeenka wasaraada warbarashada, taliyaha ciidanka booliska Gobolka Hiiraan iyo xubno kale.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiintaan marka ay gaareen deegaanka Feer feer waxaana sidoo kale ay kulamo la qaadan doonaan saacadaha soo socdo maamulka deegaanka iyo qeybaha bulshada.

Mas’uuliyiintaan ayaa daah furi doono mashaariic laga hirgali doono Deegaankaasi gaar ahaan suuq iyo mashaariic kale oo horumarineed.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa kala hadli doona Bulshada & maamulka Halkaasi ka jira adkeynta amniga  iyo sidii loo hormarin lahaa deegaanka feer feer.

You might also like More from author