Wafdi ka socda Dawlada Qatar oo ka degay Hargeysa

Dr.Mudlaq bin majed Al-Qahtani ergayga gaar ah ee Dowladda Qater u soo dirtay Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Somaliland waxa uuna la kulmay wasiirku ku xigeenka arimaha dibada Somaliland Liibaan Yuusuf Cusmaan.

Waxa laga sugayey wafdigaan Magaalada Muqdisho,lamana oga sababta ay kaga dageen garoonka diyaaradaha Cigaal Ee Hargeysa.

Mudlaq oo sanadkii 2020, Qaramada Midoobay u aqoonsatay dhex dhexaadiyaha ugu wanaagsan ayaa hada Dooxa u soo dirtay Soomaaliya si uu uga qayb qaado wada hadala Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jirto faah faahino ay ka bixiyeen Soomaaliland ujeedka Wafdigaasi u gaareen Maanta Hargeysa.

You might also like More from author