Wafdi ka socda Dalka Zambia Oo Ku wajahan Maanta Hargeysa

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin lagu kalsoon yahay waxaa maanta oo isniin ah la filayaa in Magaalada Hargeysa gaaraan wafdi ka socda Dawlada Zambia.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu amray in la diyaariyo soo dhaweyn ballaaran oo wafdigaasi loo sameenayo.

Wafdiga waxaa hogaaminaya Wasiirka Cadaalada Zambia Given Lubinda,iyadoo la sheegay in Lataliyaha Madaxweynaha Zambia uu qeyb ka yahay Wafdigaasi.

Lama oga ujeedkooda dhabta ah ay wafdigaan utegayaan maanta Hargeysa,balse xiriir ganacsi oo dhexmara labada dhinac ayaa lagu sheegay.

Edger Lungu oo ah Madaxweynaha Zambia ayaa doonaya in Dawlada Aan Caalamka aqoonsiga ka heysan Ee Hargeysa uu cilaaqaat ganacsi la sameeyo,si uu uga faa’iideysto deegaanada macdanta leh Ee Soomaaliland.

You might also like More from author